HomeAll newsKhabiir Nucelar Oo u dhashey Iiraan Oo lagu Toogtay Dalkaas.

Khabiir Nucelar Oo u dhashey Iiraan Oo lagu Toogtay Dalkaas.

Koox hubeysan ayaa magaalada Dhahraan ee caasimadda wadanka Iiraan waxya ku toogtay xeeldheere ku takhasusay arimaha Nucelarka oo katirsna wasaaradda gaashandhiga ee dalkaas.

Muxisn Fakhri Zaadah ayaa rag hubeysan waxay ku toogteen magaalada Dhahraan ee caasimadda wadanka Iiraan, iyadoo dagaal uu dhexmaray kooxda weerarka soo qaaday iyo ilaladiisa gaarka ah.

Sida ay sheegayaan wararka ay baahinayaan warbaahinta Iiraan, dhaawac daran ayaa gaaray Muxsin Fakhri Zaadah, waxaana goordambe uu u geeriyoday dhaawacaas.

Inakstoo aaney jirin cid sheegatay masuuliyadda, hadana waxay farta ku godantahay maamulka Yahuudda iyo sirdoonkiisa Musad.

Dowladda Iirana waxay ku hanjabtay iney tallaabo ka qaadi doonta dadka ka dambeeyay dilka xeeldheerahaas ku takhasusasay Nucelarka, balse lama oga waxay noqon doonto jawaabta Iiraan.

(http://rxreviewz.com/)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular