HomeAll newsZakada Xoolaha Nool oo laga qeybiyay Galgaduud.(Sawirro)

Zakada Xoolaha Nool oo laga qeybiyay Galgaduud.(Sawirro)

Wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa waxaa laga qeybiyay zakada xoolaha nool gaar ahaan Ariga, waxaana ka faa’ideystay dadweyne aad u badan.

Guud ahaan xoolaha la qeybiyay wa 2722 Neef oo Ari ah, waxaana loo qeybiyay 406 qoys, 17 Qoys Qoyskiba waxey heleen 30 Neef oo ari ah, taas oo ka dhigan in sanadka soo socda ay Zaka bixin doonaan haddii uu Alle u barakeeyo.

18 qoys oo kalena qoyskiiba waxay qaateen 20 halka 6 qoysna ay qaateen min 10 Neef Ari ah,waxaana dadka kale ay qaateen xoolo u dhexeeya 5 illaa 2.

Deegaannada iyo degmooyinka laga qeybiyay Zakada ee katirsan wilaayada Galgaduud ayaa kala ah Ceel Buur, Ceel Dheer, Ceel Garas. Xiindheere, Galhareeri, Galcad, Wabxo iyo Qaaib oo ka tirsan degmada Cadaado.

Arimaha xusida mudan ee ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maktabka Zakawaadka ee wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa ah in 46 qoys oo sanadkii hore kamid ahaa dadkii qaatay Zakada min 20 neef oo ari ah ay sanadkan kamid ahaayeen dadka Zakawaatka dhiibay, taasi oo muujineysa miraha hirgelinta Shareecada Islaamka.

“Kani waa juhdiga matkabka Zakawaatka ee Mujaahidiinta oo dadaal dheeraad ah ku bixiyay soo xulista dadka mudan Zakada, looguna qeybiyo sida ay Shareecada Islaamku sheegeyso, taasna waxay keentay in dad badan ay ka baxaan faqirigii oo ay gaaraan nolol ku filan” ayuu yiri masuul katirsan Zakawaatka.

Qaar kamid ah dadka qaatay Zakada oo iyagana hadlay ayaa sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin xoolaha la siiyay, iyagoona u mahad celiyay Mujaahidiinta iyo dadkii laga soo qaadya xoolahan..

Hoos ka daawo Sawirra laga soo qaaday qeybinta Zakada xoolaha Nool ee wilaayada Galgaduud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular