Ciidamada Uganda ee heysta degaanka Danow oo hoos taga degmada Qoryooley ayaa habeenkii xalay madaafiicda goobta ku duqeeyay tuulada Waagaadi oo hoos tagta degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Duqeyntan oo kusoo aaday iyadoo aaney wax dagaallo ah dhicin ayaa waxay ku garaaceen tuulada iyo dhul beereedka ku xeeran, waxaana inta la xaqiijiyay ay ku dileen nin kamid ahaa beeraleyda.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Jibriil Siidow Maxamad Cumar ayaa isagoo ka shaqeynaya beertiida waxaa ku ag dhacay madfac kaasoo sababay inuu ku firiro kadibna uu goobta ku dilo.
Ehelada Siidow ayaa saaka ku baraarugay maqnaanshihiisa kadibna waxay ka raadiyeen beerta, balse waxay ugu tageen isagoo ay xalayba naftu ka baxday islamarkaana uu dhib badan ka muuqdo jirkiisa.
Ka hor inta aan la aasin ayaa waxaa inoo suura gashay inaan ka qaadno sawirro, inagoo sidoo kale wareysanay ehelladiisa. Waxaa xusid mudan in talaadadii lasoo dhaafay ay sidan oo kale isla tuulada Waagaadi u duqeeyeen ciidanka Uganda kuna dileen haweeney iibsanaysa dukaankeeda. (sportslogohistory.com)
Dadka degaanka qaar ayaa duqeyntan sii laba jibaarantay todobaadkan ku macneeyay mid ay ciidanka Amisom ugu dabaal dagayaan Ciidda Kirismiska oo ay iyagu aaminsan yihiin.
HOOS KA DEGSO CODADKA AMA KA DHAGEYSO, KANA EEG SAWIRRADA