HomeAll newsKormeer Dacwo iyo Daryeel Caafimaad oo laga fuliyay Galgaduud.(Sawirro)

Kormeer Dacwo iyo Daryeel Caafimaad oo laga fuliyay Galgaduud.(Sawirro)

Wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa soo gebegebeysay kormeer dacwo iyo daryeel caafimaad oo wadajir ah, kuwaas oo xubno katirsan wilaayada, Odayaasha dhaqanka ee gobolka iyo maktabka Caafimaadka ee wilaayada ay ku tageen deegaanno katirsan gobolka.

Kormeerkan oo ahaa mid muhiim ah, dadkana dacwada lagu gaarsiinayay, dhanka kalena dadka loogu fidinayay gurmad caafimaad ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyey dadweynaha kunool wilaayada islaamiga ee Galgaduud.

Gebegebada howshan, waxay Wilaayadu qabatay xaflad ballaaran oo lagu soo xirayay howshan, waxaana ka qeybgalay waxgarad katirsan qabaa’ilka wilaayada dega, culimada iyo masuuliyiin katirsan Wilaayada islaamiga ee Galgaduud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular