HomeAll newsMaraykanka oo qorsheynaya inuu cunaqabateyn kusoo rogo dalka Venezuela.

Maraykanka oo qorsheynaya inuu cunaqabateyn kusoo rogo dalka Venezuela.

Iyadoo xaalad siyaasadeed oo kacsan ay ka jirto dalka Venezuela, kadib markii talada dalkaas ay isku qabsadeen madaxweynaha wadankaas iyo gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa dowladda Maraykanka waxay taageersantahay gudoomiyaha baarlamaanka.

Maraykanka ayaa hadda sheegaya inuu qorsheynayo in cunaqabateyn dhaqaale oo adag uu kuso rogo dowladda Venezuela, si gaar ah shirkadda Naftada ee dalkaas.

La taliyaha dhanka amniga ee Donald Trump, John Bolton ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka ay qorsheyneyso in cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogto dowladda Venuzela.

Bolton wuxuu sheegay in dhamaan khiyaaraadka ay furanyihiin, islamarkaana ay dowladiisu adeegsan doonto xilligan wasiilooyinka diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono xaalka wadanka Venezuela, waxaana dowladda Maraykanka u muuqataa mid dooneysa iney ka faa’ideysato qal qalka siyaasadeed ee ka taagan wadankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular