Madaxweynaha Yugaandha baadariga lagu magacaabo Yuweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin dowlad rasmi ah oo ka jirta dalka Soomaaliya, oo ay gumeysi ku heystaan ciidamo shisheeye oo ay kamid yihiin ciidamadiisa.
Museveni wuxuu sheegay iney jiraan dalal badan oo katirsan caalamka, kuwaas oo aysan ka jirin dowlad rasmi ah oo awood leh, islamarkaana lagu tilmaami karo dowlad, waxaana dalalkaas kamid ah buu yiri dalka Soomaaliya.
“Waxa jira wadamo badan oo aan dowlad lahayn, way Jiraan dal ahaan, laakin ma jirto awood dowladeed oo muuqata oo ka talisa, tusaale ahaan sida soomaaliya oo kale” ayuu yiri Yuweri Museveni madaxweynaha dalka Ugaandha.
Arintan ayaa muujineysa in Yuweri uusan aqoonsaneyn jirintaanka dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, maadama ciidamada ilaalada u ahba ay ka socdaan dalkiisa.
Weli dowladda federaalka wax war ah kama soo saarin arintan, loomana badinayo iney ka hadli doonto, maadama aysan jirin awood ay uga jawaabto.