HomeAll newsDagaallo xoogan oo dib uga qarxay magaalada Al-xudeyda ee wadanka Yaman.

Dagaallo xoogan oo dib uga qarxay magaalada Al-xudeyda ee wadanka Yaman.

Waxaa dib markale magaalada Al-Xudeyda ee galbeedka wadanka Yaman ka billowday dagaallo xoogan oo dhexmaraya ciidamada xukuumadda taagta daran ee Cabdi-rabbi iyo malleeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Dagaallada ayaa billowday saqdii dhexe ee xalay, waxaana diyaaradaha isbaheysiga uu hogaamiyo Aala-sucuud ay magaalada ka fuliyeen duqeymo dhowr ah oo la sheegay in lagu garaacay difaacyada ay ku suganyihin malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Saraakiil katirsan ciidamada xukuumadda Yaman oo la hadlay wakaaladaha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in dagaallada ay yihiin kuwa xoogan, islamarkaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxay yimaadeen dagaalladan kadib isbuuc kaamil ah oo ay degneyd magaalada, islamarkaana jirin wax dagaallo oo ka dhacay, taas oo timid ka gadaal markii waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ay soo jeedisay in xabad joojin looga dhawaaqo magaalada Al-xudeyda.

Magaaladan oo ah magaalo dhinaca ku heysa badda-cas ayaa waxay leedahay dekad waaweyn, taas oo ay ku tiirsantahay nolosha malaayiin ruux oo Yamaniyiin ah, kuwaas oo la daala dhacaya dhibaatada laba geesoodka ah ee uga imaaneysa Xuuthiyiinta iyo Taxaalufka.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono xaalka magaalada Al-xudeyda, waxaana dagaalkan uu imaanayaa xilli reer-galbeedka ay ugu baaqayaan Aala-sucuud iney joojiyaan guud ahaan howlgalka Yaman ka wadaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular