HomeAll newsCiidamada Kenyaatiga ee Gedo Oo la Weeraray.

Ciidamada Kenyaatiga ee Gedo Oo la Weeraray.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus waxay habeenkii xalay ku qaadeen fariisin ay ciidamada Kenya ku leeyihiin qeybo kamid ah wilaayada islaamiga ee Gedo.

Mujaahidiinta oo aad u hubeysnaa, islamarkaana kediyay ciidamada Kenya ayaa mar qur ah waxay rasaas cul culus iyo kuwa fudud ku shubeen ciidamada Kenya ee jooga deegaanka Faxfaxdhuun ee wilaayada islaamiga ee Gedo.

Daryanka hubka culus iyo iftiinka rasaasta ayaa laga maqlayay, lagana arkayay meelo ka baxsan Faxfaxdhuun, waxaana mararka qaar la maqli karay buuqa ciidamada Kenyaatiga oo ku jahwareersan halka ay rasaasta uga soo dheceyso.

Inkastoo aynaan helin faafaahin la xiriirta khasaaraha gaaray ciidamada Kenya, hadana waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada soo duulay ee Kenyaatiga ah.

Marar kaloo hore, waxaa Faxfaxdhuun lagu weeraray ciidamada Kenyaatiga, iyadoona mid kamid ah weeraradii lagu qaaday lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada dowladda Kenya.

(www.dulcesdiabeticos.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular