Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan sirdoonka dowladda federaalka ee Soomaalidu u taqaano PS-ta.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Jeneral Daa’uud ee magaalada Muqdisho, waxaana lala helay gaari ay saarnaayeen ciidamada dowladda, wuxuuna qaraxu geystay khasaare culus.
Ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada sirdoonka dowladda ayaa qaraxaas ku dhintay, waxaana burburay gebi ahaanba gaariga.
Qaraxyada iyo howlgallada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo dowladda ayaa soo badanaya maalmihii tagay, waxaana muuqaneysa in dardar xoog leh ay Mujaahidiintu geliyeen howlgalladooda.