HomeAll newsMadaxweynaha Nidaamka Suuriya Oo ku hanjabay inuu sii socon doono howlgalka Al-Quudha...

Madaxweynaha Nidaamka Suuriya Oo ku hanjabay inuu sii socon doono howlgalka Al-Quudha Al-Sharqiyah.

Iyadoo weli diyaaradaha nidaamka mujrimka ah iyo kuwa Ruushka ay sii wadaan duqeymaha aan loo meel dayin ee ay ku garaacayaan deegaannada iyo magaalooyinka Quudhada bari, ayuu madaxweynaha maamulkaas Bashaar Al-Asad wuxuu ku hanjabay inuu sii socon doono howlgalkaas.

Isagoo ka hadlayay kulan uu la yeeshey la taliyaha wasiirka arimaha dibadda ee Iiraan shiiciga lagu magacaabo Xuseyn Jaabiri Ansaari, ayuu sheegay Bashaar Al-Asad inaaney waxba ka jirin dhibaatada uu Reer  galbeedka ka sheegayo Suuriya.

Bashaar Al-Asad oo qaab kibir uu ku jiro u hadlaya ayaa sheegay inuu sii socon doono howlgalka Al-quudha, islamarkaana aanu ka hor imaaneynin xabad joojinta uu golaha Amaanka ku dhawaaqay 24-tii bishii dhamaatay.

Marka laga soo tago duqeymaha waalida ah ee diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamak ay geysanayaan, waxaa jira taqadum ay soo sameeyeen malleeshiyaadka shiicada iyo kuwa nuseyriyada, waxaana dagaaallo dhacay lasoo sheegayaa in malleeshiyaadku la wareegeen qeybo kamid ah magaalada Ootaaya ee mandiqadda Al-maraj oo dhacda bariga Quudhada bari.

Tan iyo intii waxa loogu yeero golaha amaanka uu xabad joojin kaga dhawaaqey Quudhada bari waxaa geeriyooday boqollaal ruux, halka ay dhaawacmeen tiro intaas la eg, waxaana haddii xaaladdu sidan kusii socoto laga baqdin qabaa inuu dhaco gumaad ka daran kan hadda dhacay.

Duqeymaha iyo dagaallada waxaa u dheer dadka inaaney heysanin cunto iyo biyo ku filan, qofkii dhaq-dhaqaaq sameeya si uu cunno iyo wuxuu ku noolaado u raadsadana waxaa si bareer ah u duqeynaya diyaaradaha Nidaamka iyo kuwa Ruushka.

Xarumaha caafimaadka ayaa gebi ahaanba awoodin iney qaabilaan dhaawacyada, sababo la xiriira xarumahaaas oo la duqeeyey, iyo iyadoo aysan jirin wax dawooyin ah oo dhakhaatiirtu gacanta ku hayaan.

 

(Diazepam)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular