HomeAll newsAskar katirsan dowladda oo lagu dilay Weerar ka dhacay Shabeellaha hoose.

Askar katirsan dowladda oo lagu dilay Weerar ka dhacay Shabeellaha hoose.

Askar katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday goob isbaaro ah oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Buufow ee nawaaxiga magaalada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka oo dhacay xalay, waxaa lagu soo waramayaa in lagu dilay labo askari oo katirsan malleeshiyaadkii joogay goobta isbaarada ee la kulantay weerarka uga yimid Mujaahidiinta.

Ciidamadii kale ee goobta joogay ayaa markii uu dagaalku qabsaday isaga cararay deegaanka, iyagoona u baxsaday dhanka difaacyada ciidamada Shisheeyaha ee ku yaala goobaha ka ag dhow Buufow.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular