Hay’adda Kheyriga ee Al-Ixsaan ayaa gurmad raashiin ah waxay la gaartay dadka Muslimiinta ee Abaarta saameysay kuna dhaqan deegaanka Deymaay oo hoostaga degmada Baraawe ee Wilaayada Islaamiga Shabeellaha hoose.
Raashiinka la qeybiyay oo isugu jira Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid ayaa waxaa dadka loo geeyay ka muuqqatay baahida weyn ee ay u qabaan Gurmadka la gaarsiiyay.
Sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Jamciyadda waxaa Gurmadkan ka faa’ideystay dad gaaraya 244 Ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Hoos ka daawo Sawirrada Gurmadka la gaarsiiyay deegaanka Daymaay.