HomeAll newsDhageyso:Beesho Jiido oo Machad soo Xiratay.

Dhageyso:Beesho Jiido oo Machad soo Xiratay.

Machadka Cumar Ibnu Khadaab oo ku yaala deegaan hoostaga Magalaada Kurtunwaarey ee Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay xaflad balaaran oo lagu soo xirayay machadka.

Hal sano ayay machadkaan wax ku baranayeen arday ku abtirsata Beesha Jiido ee degta Shabeelaha Hoose.

Ardayda Beesha Jiido ee Machadka loo soo xiray ayaa soo bandhigay qeyb kamid ah waxyaabihii la baray mudada halka sanno.

Beesha Jiido ayaa ku hadasha Lahjad ugaar ah oo looga hadlo deegaanada ay ka dagaan shabeelaha Hoose.

Mid kamid ah ardayda ayaa lahjada Beesha Kusoo jeediyay kalimad uu hoggaanka dhaqanka beesha kaga codsaday in la sii wado waxbarashada oo la soo saaro arday kale oo iyaga lamid ah.

Suldaanka Beesha Jiido oo goobta ka hadlay ayaa faafaahiyay taariikhada machadka waxaana uu sheegay in furitaanka machadka ay kaalin weyn ka gaysatay wilaayada shabeelaha Hoose.

Waaliga Gobalka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Usaama oo beesha kala soo qeybgalay xerista machadka ayaa ku dheeraadaay barashada Cilimiga iyo fadligiisa.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Machadka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular