dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa maanta galinkii danbe ka dhacay duleedka deegaanka Camaara ee Gobalka Mudug.
Ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa weerar kala hortagay Ciidamo huwan ah oo katirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana wehlinaya Ciidamo Maraykanka ah.
Sheekh Cabduqaadir Xaaji Abuu Cadnaan waaliga Mudug oo caawa la hadlay idaacadda Alfurqaan ayaa faafaahiyay qasaaraha dagaalka ka dhashay.
“Dagaalka galabta ayuu dhacay ,waxaana uu ka dhacay inta udhaxaysa Camaara iyo ceel huur waana la soconay dhaqdhaqaaqooda”ayuu yiri waaliga.
Waxa uu waaliga sheegay inay fashiliyeen duulaan iyaga ka dhan ahaa islamarkaana ay dileen 10 askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo bad maax.
dhanka kale waaliga Mudug waxaa wax laga weydiiyay diyaarado warqado xalay ku daadiyay magaalada Xarardheere ee gobalka mudug.