HomeAll newsMaxaabiis la filayo in saacadaha soo socda laga sii daayo Guwantanmo.

Maxaabiis la filayo in saacadaha soo socda laga sii daayo Guwantanmo.

Iyadoo madaxweynaha xilka kasii degaya ee dalka Maraykanka Obama uu ballan qaaday in gebi ahaanba uu xiri doono Guwantanamo ayaa waxaa muuqaneysa inuu fulin waayay ballanqaadkaas.

Tan iyo intii uu talada hayay Obama waxa uu xabsigaas kasii daayay tobanaan Ruux, kuwaas oo lagu wareejiyay dowlado carbeed iyo kuwa kale oo reer galbeed ah, waxaana tallaabooyinkaas uu Obama ku micneeyay mid uu ku doonayo in gebi ahaanba uu ku xiro  xabsiga.

War kasoo baxay Saraakiil Maraykan ah ayaa lagu sheegay in saacadaha soo socoda 4 Maxbuus oo kamid ah maxaabiista Guwantanamo la geyn doono dhulka Xarameynka laguna wareejin doono maamulka Aala-Sucuud.

Donald Trump oo 20 bishan la filayo inuu la wareego Aqalka cad ayaa ka hor yimid tallaabada Maxaabiistan loogu wareejinayo Aala-Sucuud, wuxuuna muujiyay sida uu kaga xunyahay arinkaas  isagoona ballan qaaday inuu sii furnaan doono  xabsigaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular