Istish-haadiyiin katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa maalintii shalay weeraro waaweyn ka fuliyay magaalada Kaabul ee caasimadda wadankaas, kuwaas oo lagu qaaday ciidamo iyo Saraakiil katirsan sirdoonka xukuumadda taagta daran ee Kaabul.
Weerarada ka dhacay magaalada Kaabul oo ahaa labo Camaliyadood oo Istish-haadiyo ah islamarkaana kala horeeyay ayaa mida koowaad waxaa fuliyay Mujaahid watay suunka walxaha qarxa laga buuxiyo, waxaana uu isku qarxiyay gaari bas ah oo ay la socodeen ciidamo iyo saraakiil katirsan sirdoonka Xukuumadda Kaabul.
Camaliyada koowaad waxay ka dhacday xaafadda Daarul-Amaan ee magaalada Kaabul, waxaana ka dhashay dhimasha iyo dhaawac gaaraya kudhowaad 30 Askari.
Markii uu weerarku dhacay kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo farabadan oo isugu jira booliiska sida Milliteriga u tababaran iyo kuwa Sirdoonka, waxaana ay guda galeen daad gureynta meydadka iyo dhaawaca soo gaaray ciidamadooda.
Waxyar un kadib waxaa hadana goobta si xeeladeysan usoo galay Istish-haadi kaxeynayay gaari miineysan, waxaana markii uu bartamaha kasoo istaagay uu fuliyay camaliyada.
Isku darka khasaaraha ka dhashay labada camaliyadood marka laga hadlo dhimasho iyo dhaawacba ayaa gaaray 70 Ruux oo isugu jira Askar iyo Saraakiil u badan Sirdoonka Xukuumadda Kaabul.
Dhanka kale Camaliyad si aad ah loo soo qorsheeyay islamarkaana Mujaahidiintu ku tilmaameen mid gaar ah ayaa lagu weeraray kulan ka socoday magaalada Lashkar Jaah ee caasimadda gobolka Helmadn, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.
Goobta la weeraray waxaa ka socoday kulan ballaaran oo dhexmarayay saraakiisha ciidanka gobolka Helmand iyo madax ka socota sirdoonka Xukuumadda Kaabul, waxaana sida muuqata kulanka looga hadlayay xaaladda gobolka iyo sida loo hortagi karo weerarada joogtada ah ee ka imaanaya Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan.
War kasoo baxay Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah Qaari Yuusuf Axmadi ayaa lagu sheegay in Mujaahid katirsan Imaarada uu weerar kalgii duulnimo ah ku qaaday dhismaha uu ka socoday weerarka, waxaana uu afaafka hore ee laga halo halka uu kulanku ka socoday uu ku dilay ciidamo ilaalo ka hayay goobta, waxaana intaas kadib uu u gudbay gudaha xarunta, isagoona maadooyin qarxa oo uu watay soo dhigay dhismaha.
Markaas kadib ayuu Mujaahidkan wuxuu qarxiyay maadooyinkii qaraxyada ka sameysnaa ee uu soo dhigay gudaha dhismaha uu shirka ka socoday ee ku yaala magaalada Lashkar Jaah, waxaana weerarkaas ku dhintay ugu yaraan 16 Ruux oo u badan Saraakiisha kulanka xaadirka ahayd.
Afhayeenka Imaarada ayaa sheegay in Mujaahidka weerarkaas ka dambeeyay isagoo bad qaba uu kusoo laabtay dhulka Mujaahidiintu ka taliyaan.
Maalintii shalay ayaa dalka Afqaanistaan waxay u ahayd maalin howlgal iyo dagaal, waxaana sidoo kale lasoo warinayaa in weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday guriga gudoomiyaha gobolka Qandahaar ee xukuumadda Kaabul uu ka dhashay dhaawaca gudoomiyaha, safiirkii Imaaraadka u fadhiyay dalkaas iyo diblumasiyiin iyo Saraakiil katirsan xukuumadda Imaaraadka.
War kasoo baxay dowladda Imaaraadka ayaa lagu xaqiijiyay in safiirkoodii dalkaas u fadhiyay uu dhaawacmay iyo diblumaasiyiin katirsan safaaradooda.
Imaarada Islaamiga ah ayaa sii laba jibaartay howlgallada lagu dhiig bixinayo ciidamada calooshood u shaqeystayaasha xukuumadda Kaabul iyo kuwa Shisheeyaha ee ku duulay dalka Afqaanistaan, waxaana dagaalka ka socoda dalkaas ee lagula jiro Maraykanka uu jirsaday kudhowaad 16 sano oo xiriir ah.