Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa baahisay qeybta labaad muuqaallo ay kasoo duubtay waxqabka hay’adda kheyriga Al-Ixsaan ay kawado wilaayaadka Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Qeybtan labaad ee Filimka waxaa lagu soo bandhigay howlo gargaar ah oo hay’adu ka fulisay wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka gaar ahaan deegaanka Fara-Gurow oo ah deegaan u dhow magaalada Jilib ayna ku noolyihiin dadka qaba cudurka Juudaanka.
Gargaarka hay’adda ay ka qeybisay deegankaas wuxuu isugu jiray Raashiinka quutul daruuriga ah iyo dawooyin loo qeybiyay dadka Muslimiinta ah ee ku xanuunsanayay deegaankaas, waxaana howshaas gurmadka ah si aad ah ugu farxay dadka deegaanka oo baahi weyn u qabay.