Dalka Maraykanka waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay ciidamo katirsan Booliiska Maraykanka, kuwaas oo ku jiray howl maalmeedkooda.
Magaalada Orolando ee gobolka Florida ayaa ah halka lagu dilay ciidamadan katirsan Booliiska, iyagoo raadinayay qof gacan ku dhiigle ah oo dilay gabar Ameerikaan ah, kaas oo lagu magacaabo Luwid.
Askariyad katirsan Booliiska oo isku dayyay iney qabato Luwid ayaa ku guul dareystay qabashada,waxaana Luwid oo rasaas madaxa kaga furay haweeneyda Askariyada ahayd taas oo keentay in durba halkaas ay ku quur baxdo.
Askariga kale ee la dilay ayaa isaguna waxaa la sheegay inuu ku dhintay degmo hoostaga magaalada Oralando, isagoo kaxeyay mootoo dheereysa, waxaana war kasoo baxay Booliiska lagu sheegay in Askarigaas uu ku dhintay shil gaari islamarkaana uu kamid ahaa ciidamada baadi goobayay gacan ku dhiigle Luwid.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa boqolaal katirsan ciidamada Booliiska Maraykanka waxaa lasoo dhoobay magaalada Oralando, waxaana welia y baadigoobayaan Luwid, iyadoona loo ballan qaaday cidii soo gudbisa macluumaad ku aadan halka uu joogo Luwid lasiiin doono 60 kun oo doolarka Maraykanka ah.