Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelada dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Ku Tukade Ayaa Idaacada Alfurqaan Siiyay waraysi gaar ah oo dhinacyo kala uu kaga hadlay.
Waaliga ayaa sheegay Qasaaro xoog leh inay gaarsiiyeen Ciidamada Burundi oo shalay duleedka Mahadaay kula kulmay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah.
“Wilaaayada waxa ay go’aansatay inay xoojiso weerarada, si Gobalka looga saaro shisheeaha”ayuu yiri Kabo kutukade xili uu ka hadlayay xamlo ay ka wadaan shabeelaha dhexde.
in ku dhaw 50 Gaari oo laga gubay ciidamada shisheeye ayuu sheegay inay yaalaan garoonka Jowhar.
Mar La weydiiyay sida ay u arkaan Maamulka Hirshabeele ee lagu dhisay Jowhar ayuu sheegay in Gobalka uusan ka jirin wax maamul ah oo la yiraahdo Hirshabeele oo saameyn ku leh gobalka.
“Dadku badankooda kama warqabaan maamulkaasi maxaa yeelay dad diyaarado lagu keenay ayaa lagu xareeyay Jowhar oo la yiri waa maamul innaga ayaa gobalka joogna iyaga xitaa kama warqabaan waxa ka socda Jowhar”ayuu hadalkiisa ku daray Kabo kutukade.
Ujeedada laga leeyahay maamul gobaleedyada ayuu si aad ah ufaafaahiyay.