Iyadoo dhawaan dalka Lubnaan lagu doortay madaxweyne cusub oo Kirishtaan ah kaas oo ay yeelato xukuumadda Lubnaan ayaa waxaa maamulada tallaabadaas sida aadka ah ugu farxay kamida h maamulka Bashaar Al-Asad ee ka jira dalka Suuriya.
Madaxweynaha Nidaamka Nusyariyga Bashaar ayaa wafdi kasocoda dowladiisa u diray magaalada Bayruut caasimadda dalka Lubnaan, kuwaas oo wada fariin hambalyo ah oo kasocota Bashaar kuna socota Meshel Coon oo ah madaxweynaha cusub ee Xukuumadda Lubnaan.
Wasiirka Madaxtooyada Bashaar ninka lagu magacaabo Mansuur Cazaam ayaa horkacaya wafdiga uu diray Bashaar Al-Asad, waxaana uu sheegay in madaxweynihiisu uu ugu hambalyeeyay kan Lubnaan guusha usoo hooyatay, isagoona sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin.
Wuxuu intaa ku daray in Mecheal Coon uu dhankiisa soo dhaweeyay wafdiga, una sheegay in danaha labada dal ay yihiin kuwa is kaabaya.
Bashaar Al-Asad ayaa bahwadaag ka dhigta cid waliba oo ku saacidi karta sii haysashada kursiga madaxtooyada Suuriya iyo dilka uu ku wado dadka Muslimiinta Shaam.