Waxaa maanta oo Talaado ah gobollada dalka Maraykanka ka bilaaban doona cod bixinta ay sameynayaan dadka Maraykanka ah si ay u doortaan qofka maamulaya Aqalka looga taliyo shacabka Maraykanka afarta sano ee soo socota.
Gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in doorashadu si buuxda uga dhacdo, waxaaana Ameerikaanku isku diyaarinayaan iney ukala codeeyaan Afar musharax oo ay ugu muuqdaan musharaxa Jamhuuriga Donald J Trump iyo haweeyneyd Hellery Clinton.
Sahdaalin ay sameynayaan Warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in haweeneyda Hellery Clinton ay ka horeyso Donald Trump, islamarkaana ay macquul tahay in iyadu ku guuleysato madxtinimada wadankaas.
Donald Trump ayaa mar dhawaan la waydiiyay inuu aqbalayo hadii laga guuleysta ka aamusay, waxaana taageeriyaashiisu ku hanjabeen in dalka Maraykanka uu geli doono dagaal sokeeye hadii laga guuleysto Donald, lamana oga halka uu ku dambeyn doono xaalka Maraykanka.
Muwaadiniinta Maraykanka ayaa hadd kala shakisan islamarkaana aan is aamineyn, waxaana si daran u dulman dadka Muslimiinta ah iyo kuwa loo yaqaano Ameerikaan African oo horaantooda degi jiray qaaradda Afrika.
Waxa sidoo kale cabsi ballaaran ka jirtaa xaaladda amaanka dalka Maraykanka inta lagu guda jiro doorashooyinka Maraykanka, iyadoona dowladda Maraykanku sheegtay iney ka cabsi qabto weeraro Mujaahidiint Alqaacida ka fuliyaan gobollada dalka Maraykanka inta ay socoto doorashada madaxweynaha cusub.