HomeAll newsDiyaarad Ruushku leeyahay oo ku burburtay dalka Suuriya.

Diyaarad Ruushku leeyahay oo ku burburtay dalka Suuriya.

441

Wasaaradda Gaashandhiga dalka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in mid kamid ah diyaaradaheeda dagaalka ee kahowlgala dalka Suuriya ay ku burburtay badda Medeterianka,

Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradda burburtay oo nooceedu yahay Meg29 Coper ay kasoo duushay mid kamid ah maraakiibta dagaalka ee fadhisa badda Medeterianka, waxaana burubrtay mar ay kusoo dhaweyd Xeebaha dalka Suuriya.

Warka kasoo baxay Wasaaradda oo uu faafiyay Tvga Ruushka ayaa lagu sheegay in diyaaradda markii ay burbureysay ku jirtay howl Tababar ah, waxaana inta aysan dhicin kahor kasoo booday Duuliyaha diyaaradda.

Dowladda Ruushka ma bixin faafaahin intaas ka badan oo ku saabsan diyaaradda iyo sababaha keenay iney soo dhacdo, lamana oga illaa iyo hadda waxa soo riday.

Dowladda Ruushka ayaa dagaal u muuqda mid ay ku khasaareyso kaga jirta dalka Suuriya ee muslimka ah, waxaana garab iyo gaashaanba ay u tahay nidaamka Mujrimka Bashaar Al-Asad ee xasuuqaya dadka Muslimiinta ah.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular