HomeAll newsDhageyso:Hagardaamada shisheeye oo laga hadlay.

Dhageyso:Hagardaamada shisheeye oo laga hadlay.

wikipedia-_microfoneKumanaan ciidamo shisheeye ah oo helaya hub, lacag iyo gar gaar caafimaad ayaa duulaan ku jooga soomaaliya waxayna kala dagaalamayaan umadda Soomaaliyeed in ay shareecada islaamka isku xukunto ama xattaa ay yeelato maamul calmaani ah oo xoog leh.
Duulaanka la soo qaaday waxaa loo kaalmeystay Soomaali fara badan oo shisheeyeha ka bar bar dagaalamaya af iyo adina ku difaacaya.

Cali Cabdi oo ah nin siyaasadda aad ula socda ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan wuxuu ku sheegay in shsiheeyuhu lid ku yahay amaba diidan yahay in diinta islaamka ku dhaqankeedu Soomaaliya ka hano qaado.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay beenta, iyo qayaanada kuwa soo duulay iyo inta u daacadda ah umadda ka raaridayaan iyo sida ay uga shaqeynayaan in ay bohol ku ridaan guud ahaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cali ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iska daayaan tahriibka ayna dalka ka xoreystaan shisheeyaha gumeysi doonka ah.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA AQOON YAHANKA.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular