HomeAll newsMarkab Maraykanku leeyahay oo la kulmay weerar Sawaariikh ah.

Markab Maraykanku leeyahay oo la kulmay weerar Sawaariikh ah.

441

Wasaaradda Gaashandhiga dowladda Maraykanka the Bentagonka ayaa shaacisay in mid kamid ah maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan Badda Cas uu la kulmay weerar Sawaariikh ah.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in markabka Maysoon uu markii sadexaad todobaad gudihiisa la kulmay weerar Sawaariikh ah oo uga imaanaya dhanka xeebaha Yaman, waxaana illaa iyo hadda la ogeyn cida soo ridisay Sawaariikhdaas.

Maraykanka ayaa sheegaya in Sawaariikhda laga soo tuurayo deegaanno ay maamulaan maleeshiyaadka Shiicada Xuuthihiyiinta, balse Xuuthiyiinta ayaa si cad u sheegay in iyagu aysan ka dambeynin weerarada lagu qaaday Markabka Ameerikaanka ah.

Majiro khasaare gaaray Markabka iyo wixii saarnaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular