HomeAll newsMaamulka Yahuudda oo qorsheynaya inuu is hor taago Markab ku wajahan Qazza.

Maamulka Yahuudda oo qorsheynaya inuu is hor taago Markab ku wajahan Qazza.

photo_2016-10-05_12-31-37

Iyadoo la filayo in saacadaha soo socda uu Qazza gaaro markab loogu magac daray Zaytuuna oo ay haween iskood isku xilqaamay ku doonayaan iney gurmad ku gaarsiiyaan magaalada Qazza ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidamadda Badda ee Yahuuddu doonayaan iney gebi ahaanba is hortaagaan markaabkaas.

Markabka oo loogu magac daray Zaytuuna ayaa kasoo shiracday dalka Spain, waxaana dhowr maalmood uu kusoo jiray badda, isagoona dhawaan soo gaaray meel u dhow xeebaha dhulka Yahuuda xooga uga heystaan Muslimiinta Filastiin.

Wariye ku sugan dhulka Yahuudda xooga ku heysato ayaa kusoo waramaya in ciidamada badda ee maamulka Yahuudu isku diyaarinayaan sidii ay markaabkaas u qaban lahaayeen islamarkaana uga hor istaagi lahaayeen gaarida xeebaha Qazza.

Markabka waxaa wehliya oo la socoda wariyaal kasocoda Tvga Aljazeera, waxaana war kasoo baxay maamulka Tvga Al-Jazeera uu dusha kaga saaray maamulka Yahuudda bad qabka shaqaalahaas iyo amaankooda.

Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladan, waxaase loo badinayaa in markabkan uusan ku guuleysan doonin hadafkiisa ah gaarista xeebaha Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular