HomeAll newsXasuuqa ciidamada shisheeye shabeelaha hoose ka geysteen qaabkuu u dhacay?(Maqal)

Xasuuqa ciidamada shisheeye shabeelaha hoose ka geysteen qaabkuu u dhacay?(Maqal)

amisomCiidaamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi ayaa dorraad (20 09 2016) xasuuq ka geystay deegaan ka tirsan gobalka sabeelaha hoose gaar ahaan Ceelka waayo arag oo reer baadiyuhu xoolaha ka waraabsadaan.

 

Shisheeyaha ayaa halkaa ku dilay lix ruux sideed kalena nolosha ayay ku wateen laba ka mid ah ayayna markii dambe dileen kuwaasoo meydadkoodii ay ku tuureen isbitaal banaadir ee magaalada muqdisho.

 

Meydadka dadkii ceelka waayo arag lagu dilay ee reer miyiga ahaa ayaa shalay lagu aasay deegaan aan halkaa ka fogeyn.

 

Indheer garadku deegaanku waxay muujiyeen sida ay ugu xun yihiin geerida naxdinta leh ee qaar dadka deegaanka ka mid ah ku timid iyo shisheeyaha naxariista daran caadeystana xasuuqa dadka soomaaliyeed iyadoo cid la doodeysaa aanay jirin.

 

Nabadoon cali maxamed axmed oo odayaasha deegaanka ka mid ah ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu kaga waramay sida ay wax u dhaceen.

Halkan Ka Dhageyso Nabadoon Cali Maxamed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular