Ciidamada Uganda iyo Burundi iyo kuwa dowladda federaalka ah saraakiil Maryakan ah ayaa shalay geba gebeeyay dadka ku dhaqan iyo kuwa u soo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ku hareereysan.
Kumanaan dad ah ayaa la soo orromay agagaarka xarunta weyn ee shirkadda isgaarsiinta hormuud halkaasoo laga bilaabay in dadka la kala xusho.
Mid ka mid ah gancsada caanka ah ee suuqa bakaaraha ha yeeshee sababo amaan aanu magaciisa u qarinay ayaa idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan u sheegay in qiyaastoo 75 ilaa 80 dhalinayro ah la kaxeystay kuwaasoo ay farmuuqeen saraakiil ka tirsan sirdoonka dowladda federaalka ah oo la shaqeynayay sarkaal Maraykan ah oo meesha taagnaa.
Wax yar ka hor salaaddii duhur ayaa la fasaxay dadkii kale markaa kadib ayaana la bilaabay in la furo goobaaha ganacsiga.
Ganacsadahaan ayaa tilmaamay in reer Muqdisho ay la gudboon tahay in ay fadhiga ka kacaan oo ay gumeysiga iska dulqaadaan.
HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA.