Iyadoo ay cid waliba u cadahay dagaalka fog ee maamulka Aala-Sucuud kula jiro dadka Muslimiinta ah ee kasoo horjeeda siyaasadaha ku dhisn Gumeysiga ee Reer galbeedku la rabaan dhulalka Islaamka ayaa hadana waxaa maamulkaas intaas u dheer inanu xitaa ka fakan gabdhaha Muslimaadka ee lagu tiriyo dadka Biramageedada ah.
Xabsiyada maamulka Aala-Sucuud waxaa ku jira tobanaan Gabdho Muslimaad ah, kuwaas oo aan jirin tuhmad rasmi ah oo lagu heysto aan ka ahayn in qaarkood wiilal la dhashay ay Jihaadku ku jiraan, waxaase gabdhaha marka la dulminayo maamulka Aala-Sucuud ku doodaa iney yihiin xubno katirsan Mujaahidiinta.
Maxkamad ku taalla magaalada Riyaad caasimadda maamulka Aala-Sucuud ayaa xukunno xabsi ah waxay ku riday labo gabdhood oo kasoo jeeda dhulka Xaramaykanka, kuwaas oo ay ku eedeysay iney ku biiri rabeen Mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiradda Carabta.
Gabdhaha la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Mii Al-Dhalaq iyo Umeyna Al-Raashid, waxaana lagu kala xukumay 13 sano iyo 11 sano oo xarrig ah, waxaase beeniyay in xuduuda Yemen laga soo qabtay gabdhahan ehelada iyo Qaraabada oo sheegay in guryahooda lagala baxay.
Mii Al-Dhalaq ayaa zowjkeeda oo lagu magacaabo Cabdil Malik Al-Muqbil wuxuu 16 sano oo kaamil ah ku jiraa xabsiyada maamulka Aala-Sucuud, waxaana la xiray sanadkii 2001 oo uu markaas kasoo noqday dalka Afqaanistaan.
Umeyna Al-Raashid ayaa sidoo kale saddex wiil oo la dhashay iyo Zowjkeeda waxay ku kala shahiideen dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Yemen, taas ayaana ah sababta rasmiga ah ee gabdhana loo collaadinayo.