Ciidamada shisheeye ee soomaaliya duulaanka ku jooga waxaa u soo hiiliyay kuwa jaobuuti oo garba iyo gaashaan u ah amxaarada iyo tigrega jooga gobalka hiiraan.
Jabuutiyaanka ayaa jooga magaalooyinka buulo barde iyo jala laqsi waxaana dad badani ku dagmeen luuqadda ay ku hadlayaan ee soomaaliga ah iyagoo u maleeyay dad waanagsan laakiin xaqiiqada ayaa ah in qorshoodu yahay in ay wax ka xaqiijiyaan damaca amxaarada iyo tigreega.
Indheer garadka hiiraan waxay tilmaamayaan in ciidamada jabuuti dhibaatooyin badan ay gobalka ka geysteen gaar ahaan magaalooyinka ay joogaan.
Nabadoon maxamed maxamauud xaashi oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan ayaa dadka soomaaliyeed ugu digay in ay la macaa’milaan askarta jabuuti.
Waxaanuu intaas ku daray “askarta jabuuti waa ka Qatar badan yihiin kuwa amxaarada iyo tigreega”