Kulan ballaaran oo maalintii Talaadada uu yeeshay baarlamaanka Swizerland ayaa waxaa kasoo baxay go’aan lagu xanibayo qaadashada Indha Shareerka ama Niqaabka ay xirtaan gabdhaha Muslimaadka ah.
Fikirka joojinta xirashada Niqaabka ayaa waxaa soo jeediyay xillibaan lagu magacaabo Falter Vobman oo kasocoda Xisbiga shacabka ee dalkaas, waxaana xisbigan uu caan ku yahay nacaybka fog uu u qabo Muslimiinta.
Go’aankan ayaa guud ahaanba waxa uu horseedayaa ama u diidayaa gabdhaha Muslimaadka iney ku xirtan Indha Shareerka guud ahaan gobollada dalka Swizerland, waxaana tallaabadan xitaa ay ka hor imaaneysaa qadiyadda Reer Galbeedku ku doodaan ee ah Xurriyada Diimaha.