HomeAll newsAskarta Itoobiya oo Toban weerar lagu qaaday.(Maqal)

Askarta Itoobiya oo Toban weerar lagu qaaday.(Maqal)

itoobiyaCiidamada Itoobiya ayaa shalay iyo dorraad la kulmay toban weerar oo jid gal ah kuwaasoo ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka galgaduud.

Dagaalo xoog leh ayaa ka dhacay deegaano u dhaw magaalada wabxo iyo deegaanka dac oo u dhaw degmada ceelbuur ee gobalka galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen gaari uuraal ah oo laga gubay ciidamada itoobiya waxaana la rumeysan yahay ina y jiraan askar badan oo dhimatay iyo kuwo ka dhaawacmay.

Ciidamada itoobiya qaarkood ayaa ayaa maalintii axaddii ka baxay magaalada maxaas ee gobalka hiiraan halka subaxdii isniinta ee dorraad ahaydna kuwa kale ka soo baxeen magaalada ceelbuur ee gobalka galgaduud si ay meel dhexe ugu kulmaan oo saad loo siiyo qolada ceelbuur ka timid.

Askar hubeysan oo xarakada mujaahidiinta alshabaab ka tirsan ayaa deegaano kala duwan ku weeraray ciidamada labada dhinac ka soo kala baxay welow aakhirkii ay iska horyimaadeen iyadoo mid waliba dagaalo soo qabsadeen.

Markii qola waliba ay noqotay ayaa hadana qeyb waliba lagu bilaabay dagaalo kuwii hore aan ka liidan waxaana ciidamada itoobiya dileen laba ruux oo dadka degaanka ka mid ah oo midkood ahaa nin waalan.

Nabadoon ibraahim jeyte xaayoow oo ka mid ah indheer garadka degmada wabxo ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxuu kaga sheekeyay wixii ka dhacay deegaankooda iyo deegaanada kale ee ay deriska yihiin.

Nabadoon ibraahim jeyte xaayoow wuxuu tilmaamay in ciidamada amxaarada iyo tigreegu cadaw ku yihiin oo ay ku soo duuleen Diinta islaamka,dadka iyo dalka intaba.

Wuxuu dadka soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan uug baaqay in shisheeyaha soo xad gudbay la iska dhacsho gaar ahan itoobiyaanka.

Halkan Ka Dhageyso Waraysiga 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular