HomeAll newsWeerar ka dhacay magaalada London oo khasaare dhaliyay.

Weerar ka dhacay magaalada London oo khasaare dhaliyay.

POlice

Wararka inaga soo gaaraya magaalada London caasimadda dalka Ingiriiska aya ku waramaya in qof ku hubeysan Mindi uu weerar ku qaaday dad ku sugnaa magaaladaas, isagoona halkaas ku dilay hal ruux, halka tiro intaas kabadana uu ku dhaawacay.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Ingiriiska, waxaa qofkan oo ku hubeysnaa Toorray uu bilaabay inuu mindida la dhaco dad marayay laamiga, waxaana durba halkaas uu ku dilay haweeney British ah, halka 6 ruux oo kalena uu dhaawacay.

Booliiska Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay qofka looga shakisanyahay inuu ka dambeeyey weerarkan, waxaana Sarkaal booliis ah oo hadlay uu sheegay iney baarayaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan, waxaana uu muujiyay cabsida ay ka qabaan in weerarka uu yahay waxa uu ku tilmaamay Weerar Argagaixiso.

Warbaahinta qaar ayaa sheegaya in ruuxa weerarka fuliyay uu 19 jir yahay islamarkaana maaxa looga jiro.

Warar kale oo dib kasoo baxay waxay ku waramayaan in haweeneyda lagu dilay weerarka ay kasoo jeedo dalka Maraykanka.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo shalay Booliiska London uu sheegay in ciidamo dheeraa ah uu dhigayo wadooyinka magaalada si ay uga hortagaan weeraro laga cabsi qabo iney dhacaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular