HomeAll newsTaliska Nabad Sugidda oo Qiray inaysan ka Hortagi Karin Weerarada Alshabaab ee...

Taliska Nabad Sugidda oo Qiray inaysan ka Hortagi Karin Weerarada Alshabaab ee Muqdisho.(Maqal)

gaafowMagaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya waxaa kusoo badanaya Howlgalada Qorshaysan ee ka imaanaya Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Mid kamid ah weeraradii ugu danbeeyay waxaa lagu qaaday Hotel Lagu Caweeyo oo ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi iyo kuwa kale oo dhacay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Muujiyay habacsanaanta Laamaha Ammaanka.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Dowladda Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay inaysan waxba ka qaban karin ammaanka Muqdisho.

Nin raba inuu geeriyoodo islamarkaana ku dilaya ayuu sheegay inaan laga hortagi karin oo xal aanan loo heli karin

Alshabaab ayuu sheegay inay leeyihiin mab’da ay adagtahay in laga Hortago.

Waxa uu dhaliilay shacabka oo uu ku eedeeyay wado shaqeyn la’aan.

Dhageyso Warbixinta Taliska Nabadsugida

(xanax xr)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular