Maalinba Maalinta Ka danbeysa waxaa Galguduud kusoo badanaya askarta kasoo baxaysa safta Xabashida iskuna soo dhiibaya Shabaabul Mujaahidiin.
Deegaanka Budbud oo ku jira Gacanta Ciidamada Itoobiya waxaa ka jira cabsi hareysay maleeshiyaadka Soomaalida ah ee Caro Tuurka u ah Ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Halkaasi ku sugan Ma haystaan wax daryeel ah iyo raashin ku filan.
Maleeshiyaadka waxaa isugu darsamay Qalqal Ammaan iyo Nolol Xumo oo ay udheertahay weeraro kaga yimaada Dhanka Ciidamada Shabaabul mujaahidiin.
Farxaan Xasan Siyaad iyo Faarax Maxamed Khaliif oo kamid ahaa maleeshiyaadka Ku sugnaa Budbud ayaa lagu soo bandhigay Galhareeri iyagoo wata Laba Qori oo ay lasoo baxsadeen.
Waxa ay sheegeen in xeriir ay soo sameeyeen ay usuurtagalisy inay soo gaaraan dhulka Mujaahidiinta iyagoo towbad keenayaal ah.
waxa ay ka sheekeeyn dhibaatooyinkii ku haystay Deegaanka Budbud.
Dhawaan ayay ahayd markii Waaliga Galguduud Sheekh Xasan Yacquub Cali uu baaq udiray Ciidamada Soomaalida ah ee la socda kuwa Itoobiya ee Ku sugan Gobalka.