Raadiyaha ku hadla codka Dawladda Faatikaanka, oo ah maamulka sare ee Kaniisadda Katooliga, ayaa wuxuu baahiyay wareysi meelo badan taabanaya oo Soomaaliya khuseeya,Wareysiga waxaa lagu sheegay in kaniisad raacsan Mad-habta Kaatooliga laga furay magaalada Hargeysa.
Waxaa ka soo qeyb galay furitaankeeda wadaadka Kaniisadda Katooliga u qaabilsan dalka Jabuuti iyo dadka kale oo aaminsan diinta “Kirishtanka” (Nasaarada) iyo shaqaalaha hey’adda samafalka ah ee loo yaqaan “Caritas” oo ah hey’ad kaniisadda Katooliga hoos tagta, kana shaqeysa goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah.
Mid ka mid ah kuwa fidiya diinta Kirishtanka oo Soomaaliya ku dhawaad 40 sanno ka shaqeynayay ayaa wuxuu si farxadi ku dheehantay uga hadlay furitaanka kaniiisaddaan, oo dib loo furay dhawr bil ka hor.
Wuxuu xusay in ey maamulka Somaliland kala hadleen furitaanka kaniisaddaan yar Wuxuu kaloo leeyahay waxaa jira dad badan oo aaminsan diinta Nasaarada kuna nool gayiga laga furay kaniisadda iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah.
Sidoo kale Muqdisho ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in Al-shabaabku ku xoog badan yahay, balse, eysan ka maqneyn xitaa Muqdisho oo ay hawlo fara badan oo is kugu jira koorsooyin, iyo farsamo gacmeed ka dhex wadaan caasimadda Muqdisho.
Sheekh Cali Katiin oo kamid ah Culimada Diinta islaamka ayaa ka hadlay warka soo baxay Dowladda Vatican-ka iyo waxa kala gudboon shacabka Soomaaliyeed.