Dalka Afqaanistaan oo inkabadan toban sano ku jira dagaal ka dhan gumeystaha Reer galbeedka iyo kuwa la jirayaashooda ah ayaa waxaa todobaadkan ka dhacay dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamo katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan iyo maleeshiyaadka Xukuumadda taagta daran ee Kaabul.
Dagaallada ugu kulul ayaa ka dhacaya gobolka Helmand oo ah gobol istiraatiihi ah, waxaana ciidamada Mujaahidiintu la wareegeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolkaas mudooyinkii ugu dambeeyey, iyagoona kulaalaya magaala madaxda gobolka Helmand oo lagu magacaabo Lishaqraqaah.
Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Xukuumadda Kaabul ee ku sugan gobolka Helmand ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in xaaladda gobolku ay halis tahay, islamarkaana laga yaabo in saacadaha soo socoda ciidamada Dhaalibaan la wareegaan magaalada laga maamulo gobolka.
Wuxuu sarkaalkan si ka leex leexad lahayn u dalbaday in loo soo gurmado isagoona xaaladda ku tilmaamay mid aad u xun, islamarkaana dagaalyahannada Mujaahidiintu iyagoo aad u farabadan ay ku suganyihiin meel 6KM oo qur ah u jirta magaalad Lishaqraqaah.
Mid kamid ah dadka ku sugan magaalada oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa xaqiijiyay in isku dhex yaac xoogan laga dareemayo ciidamada maamulka Kaabul, waxaana uu sheegay in Mujaahidiintu lasoo wareegeen deegaanno iyo barar kontorool oo aad u tiro badan kadib dagaallo todobaad qaatay oo wali ka socoda gobolka.
14 Sano kadib Awoodda Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa ah mid korortay, waxaana muuqata in reer Afqaanistaan ay billaabeen gurashada mirihii samirkooda soo jiitayay tobanaanka sano, waana shacab ku dayasho badan oo la doonayo in tusaale ka dhigtaan shacab kasta oo dulman islamarkaan cadow uu dalkiisa xoog ku haysto.