Suldaan Maxamad Gar yare oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda wadanka Turkiga iyo saameynta uu yeeshay isku daygii Afgambi ee lagu doonayay in lagula wareego talada wadankaasi.
Wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Ruushku ka dambeeyaan Inqilaabkii Fashilmay imikana uu meel xasaasi ah marayo cilaaqaadkii ka dhaxeeyay Turkiga iyo Mareykanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in wax walba ay sii kala cadaan doonaan go’aanka kama dambeysta ah ee uu Mareykanku ka qaato codsiga madaxweynaha Turkiga ee ahaa inuu Mareykanku soo dhiibo wadaadka lagu magacaabo Gulen oo ku nool dalkaas lana tuhmay.