Iyadoo dhawaanahan maleeshiyaadka ku dhaqan Koonfurta Suudaan ay kala qabysameen islamarkaana magaalada Jubba ay marti gelisay dagaallo xoogan ayaa dowladda Maraykanka waxay ciidamo dheeraad ah u dirtay dalkaas kuwaas oo la sheegay iney ilaalin doonaan amaanka safaradda Maraykanka ee dalkaas.
Obama madaxweynaha Maraykanka ayaa ku war geliyay Congereska in ciidamo gaaraya 47 Askari oo dheeraad ah uu u diray koonfurta Suudaan gaar ahaan magaalada Jubba kuwaas oo uu sheegay iney ilaalin doonaan shaqaalaha Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Jubba.
Obama ayaa sheegay in diritaanka ciidamadan uu yimid kadib markii ay sii xumaatay xaaladda amaan ee dhulka Koonfurta Suudaan ee reer galbeedka ay ka gooyeen dhulka muslimka ah ee Suudaan.
Dhawaan ayaa war kasoo baxay Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka waxaa lagu sheegay in koonfurta Suudaan ay kasoo saareen shaqaalaha Safaaradda Maraykanka kuwooda laga maarmo, waxaana la ogeyn illaa iyo inta ay sii socon karaan dagaalladan.
Mas’uul katirsan Qaramada midoobay ayaa sheegay in Igad ay kala hadlayaan sidii ciidamo nabad ilaalin lagu tilmamay loo geyn lahaa koonfurta Suudaan.