Goor dhow oo maanta ah ayaa barta Internetka waxaa lagu baahiyay bayaan qoraal ah oo uu soo saaray amiirka cusub ee Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan Mowlawi Hibatullah, kaas oo ku socoda guud ahaan Muslimiinta, Mujaahidiinta, Muhaajiriinta iyo si gaar ah shacabka dulmi diidka ah ee reer Afqaanistaan.
Bayaanka oo ku qornaa Luuqadaha Urdu iyo Carabiga ayaa waxa uu hogaamiyha Imaarada ku cadeeyay mawaaqif kala duwan oo ku lug leh jihaadka Tobanaanka sano ee xiriirka ah kasocoda dalka Afqaanistaan islamarkaana lagula jiro Shisheeyaha noocyada kala duwan ee ku duulay dalkaas.
Ugu horeyn waxa uu ka hadlay Amiirku qayb kamid ah taariikhdii hogaamiyihii isaga ka horeeyey ee shahiiday Akhtar Mansuur, waxaana uu sheegay inuu ahaa Nafhure howlo badan u qabtay diinta Islaamka iyo Umadda Muslimiinta, waxaana uu ballan qaaday inuu ku socon doono dhabbihii uu ku shahiiday amiirkaas ee ahaa la dagaalanka Shisheeyaha kala duwan ee dalka Afqaanistaan ku sugan.
Wuxuu sheegay Sheekhu in istish-haadka Akhtar Mansuur ay ku dhiira gelineyso guud ahaan Mujaahidiinta iyo afraada Umadda Islaamka iney sameeyaan wax waliba oo awoodooda ah sidii diinta Islaamka loo sara yeeli lahaa, islamarkaana ay u noqon lahayd mid sareysa oo Aduunka maamusha.
Hibatu-llaah ayaa intaas ku dary in aragtidii ay ku bilaabeen Jihaadka ee hadafkeedu ahaa in la dhaqan geliyo Shareecada Islaamka ay wali nooshahay islamarkaana ay shaqeyneyso, waana hadafka Imaarada Islaamiga ah aysan waligeed ka tanaazuli doonin Inshaa’Allaah.