Gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Jimco ah ayaa Saraakiil katirsan qaybaha kala duwan ee Xukuumadda Turkiga oo ciidamadu ku jiraan waxay isku dayeen iney afgembiyaan xukuumadda uu hogaamiyo Rajab Tayib Ordogan, iyagona la wareegay kooxaha Afgembiga tvga ku hadla Afka Xukuumadda waxaana ay ku amreen iney baahiyaan in Xukuumadda la riday.
Saraakiisha hogaamineysa Inqilaabka oo haatan lagu dhigay gacanta islamarkaana la sheegayo in xukunno lagu ridi doono ayaa gaaraya 130 Sarkaal, waxaana magaalooyinka khatarta Afgembigan laga dareemay kamid ahaa caasimadda dalkaas Ankara iyo kuwa kale.
Dagaallo xoogan oo qaatay 12 saacadood oo xiriir ayaa dhexmaray Ciidamada Booliiska iyo kuwa Afgembiga damacsanaa, waxaana lasoo warinayaa in dhimashadu ay gaartay 60 Askari oo labada dhinac ah.
Rajab Dhayib Ordogan oo ku maqnaa dalxiis dhanka xeebta ah ayaa si deg deg ah usoo gaaray garoonka Ataatoorik ee magaalada Ankara, waxaana uu halkaas ka jeediyay kalimad ku socota Taageeriyaashiisa oo uu ugu bishaarayay in afgembiga uu dhicisoobay.
Warbaahinta caalamka ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay si aad ah u hadal heysay Afgembigan dhicisoobay ee lala damacsanaa Ordogan iyo xukuumadiisa, waxaana cad in Afgembigan uu ahaa mid waqtiyo dheer laga soo shaqeeyay balse aan u dhicin sidii la rabay.
Tvga Turkiga ayaa dib u soo laabtay waxaana ay ka cudur daarteen warkii ay xilli hore ay baahiyeen kaas oo ay sheegeen in lagu qasbay islamarkaana loogu hanjabay in la dili doono haddii warkaas ay baahin waayaan.
Magaalooyinka waaweyn ee Turkiga ayaa waxaa ka socoda dabaal degyo ay dhigayaan taageeriyaasha Ordogan oo ay Naftu ku soo noqotay, waxaana la filayaa in kulamo deg deg ah ay yeeshaan qaybaha kala duwan ee Xukuumadda Turkiga.