Siyaasiga Cabdiraxmaan Baadiyoow oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegay in dowladda xasan sheekh mudadii ay jirtay aan la arag wax ay qabatay ayna horseed u noqotay dib u dhac aad u baahsan.
Wuxuu sheegay in musuq maasuq iyo cadaaladda darro iyo wax qabad la’aan ay isku darsatay ayna fashil dhexda ka taagan tahay.
Mar uu ka hadlayay doorashada la sheegay in dhawaan ay dalka ka dhaceyso wuxuu sheegay in qorshaha soo xulista xildhibaanada ee aan cadaaladda ku saleysnayn keeni karo colaad lagu riiqmo oo qabiil waliba gudihiisa ka qaraxda.
Wuxuu si aad ah u weeraray siyaasadda xasan sheekh maxamuud madaxweynaha dowladda federaalka ah asigoo tilmaamay in aanay suura gal ahayn mar kale in uu xilka ku guuleysto.
Wuxuu sheegay dowladda xasan madaxweynaha ka yahay in ay magaca dowlad ka tahay laakiin aanay wax qabad dowladeed lahayn