HomeAll newsCiidamada Yahuudda oo dilay Ruux Filastiini ah.

Ciidamada Yahuudda oo dilay Ruux Filastiini ah.

Filastini

Ciidamada maamulka Yahuudda ayaa dilay ruux Filastiini muslim ah kaas oo ku sugnaa magaalada Daanta-galbeed oo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee xooga ay ku heystaan Yahuudda.

War kasoo baxay maamulka Yahuudda ayaa lagu sheegay in ruuxa Filastiiniga ah uu isku dayay inuu dilo Askar katirsan ciidankooda, kadibna mid kamid ah ciidanka ayaa rasaas ku furay ninka Shcaabka ah taas oo keentay in durba uu halkaas uu ku shahiido.

Ciidamada Yahuudda ayaa inta badan faafiya warar been abuur ah oo ku aadan marka ay dilaan dad shacab ah iney sheegaan inuu weerar fulin rabay, waxaana gadaal laga ogaadaaba in dadka ay dileen qaarkood aysan xitaa hubeysneyn.

Dadka Muslimiinta ee Filastiiniyiinta ayaa wada howlgallo Kaligii duulnima ah kuwaas oo ay ku beegsanayaan Ciidamada Yahuudda ee xooga ku haysta dhulka Filastiin, waxaana camaliyaadkaas ay keeneen saameyn wanaagsan oo ku aadan dhanka dhiiranaanta shacabka muslimka ah oo sii kordhay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular