HomeAll newsWax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(12)

Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(12)

Yarmuuk

Macrkatu-Xaaraim.

Muslimiinta waxaa soo maray Fatrooyin ay dhex taalay kala qabysanaan, muran iyo dagaallo dhexdooda ah, waxaana xilliyadaas kusoo dhiiranayay cadowgooda oo og in marka ay Muslimiintu dhexdooda is khilaafsanyihiin laga faa’ideysan karo.

Balse Alle mahadii waligeed lama waayin qof Umadan majdigeeda usoo celiya, islamarkaana qaada dhabbaha Cizziga ee ah Jihaadka Wadada Allah, waxaana qarni kasta la helaa Mujadid dib u cusbooneysiiya diinta islamarkaana Towxiidka sara yeela.

Ragaas Umadda Majdigeeda soo celiyay waxaa kamid ahaa islamarkaana Taariikhdu xustay boqorkii caadilka ahaa ee lagu magacaabi jiray Nuuru diin Maxamuud Zanki oo caan ku ahaa magaca Nuuru diin Al-Shahiid.

Sanadkii 558 Hijriyada ayaa waxaa uu Amiirkan qaaday xamlo dagaaleed uu ku doonayay inuu ku furto magaalada Dharabulis ee dalka Lubnaan oo ay ka talineyeen Imaaraad Nasaaro ah, waxaana uu degay ciidankii uu amiirkan waday meel lagu magacaabo Al-Baqiica.

Ciidankii Faranjida ayaa go’aansaday iney weerar kedis ah kusoo qaadaan ciidamada Muslimiinta islamarkaana ay dhiciseeyaan hadafka Muslimiinta ee ah furashada magaalooyin gacanta Nasaarada ku jiray.

Xaqiiqdii Gaaladii way ku guuleysteen dantooda, waxaana xilli duhur ah oo ciidamada Muslimiinta ay teendhooyinkooda ku jiraan islamarkaana ay nasanayaan kasoo gudbay buurtii Muslimiinta difaac u ahayd fardoolay farabadan oo gaalada kamid ah.

Ciidamadii Muslimiinta ayaa isku dayay iney ka hortagaan weerarkan kediska ah ee lagu soo qaaday balse uma suura galin sababtoo ah ma ahayn dad dagaal u diyaarsan, iyaga iyo Fardahoodana way kala fogaayeen, sidaa darteed waxaa Gaaladii u suurta gashay iney laayaan Mujaahidiin farabadan.

Balse weerarkaas kediska ahaa raggii kasoo badbaaday waxaa kamid ahaa Amiirkii Caadilka ahaa ee Nuuri Diin Maxamuud Zanki, waxana isaga iyo tiro kale oo ciidankii soo badbaaday ahaa ay ku kulmeen meel halka lagu dagaalamay ka fog 4 Farsakh oo marka kilometer ahaan loo fiiryo noqoneysa kudhowaad 30 KM.

Nuuru-diin Zanki ayaa ku dhaartay inuu ka hortagayo ciidamada Faranjida oo warar soo baxay xilligaas ay sheegeen iney kusoo wajahan yihiin magaalada Ximis hadii uu helo 1000 Mujaahid, waxaana warkaas ka Argagaxay ciidamadii Faranjida oo dhankooda dalbaday in heshiis xabad joojin ah lala galo balse Nuuru-diin Zanki kama jawaabin codsigooda, waxaana uu ku dhaartay inuu ka aarguto Gaalada.

Nuuru-diin ayaa bilaabay diyaar garow xoogan, isagoona guda galay uruurinta Ciidamo Muslimiin ah, waxaana diyaar garowgii uu la yimid kamid ahaa inuu baytu Maalka Muslimiinta uu uga qoray dadka Masaakiinta ah, culimada Mushaar joogta ah, isagoona taas kaga gol lahaa inuu Alle uga guuleeyo gaalada, waxaana uu dhihi jiray “ ma waxaa naloogu gargaarayaa illaa ducada Mustadcafiinta mooyee”.

Waana shay muhiim ah marka ay Umadu Jihaadka ku jirto iney kaalmeyso kuwa taagta daran, waana mid kamid ah Asbaabta guusha lagu helo Inshaa Allah.

Sanadkii xigay ee 559 Hijriyada waxay Ciidamadii Faranjida ka baxeen magaalada Casqalaan iyagoo ku wajahan dalka Masar si ay dagaal ula galaan boqorkii muslimka ahaa ee ka talin jiray dalkaas oo lagu magacaabayay Asadu-diin, waxaana Nuuru-diin isagoo ka faa’ideysanaya arinkaas uu go’aansaday inuu weerar qaado, isagoona Ergooyin gurmad raadis ah u dirsaday madaxdii kale ee Muslimiinta.

Markii uu Ciidankiisu kulmiyay ayuu ula dhaqaaqay dhankaa iyo dhufeys caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xaarim, kaas oo ku yaala meel u dhow magaalada Xalab ee dalka Suuriya, waxaana uu ku bilaabay inuu ku garaaco qoriga Manjaniiqa oo haatan ka dhigan Hoobiyaha lagu duqeeyo xirooyinka Ciidamada, waxaana intaas kadib uu usii dhaqaaqay dhanka gobolka Saaxilka si uu uu halkaas ugula dagaalamo amiirkii Nasraaniga ahaa ee ka talin jiray Andhaakiyah.

Kahor inta aysan Macrakadu dhicin waxa uu Nuuru-din Zanki ku keli noqday dalcadda Xaarim, isagoo keligii ah ayuuna halkaas Alle ku baryay, waxaana uu Alle ka baryay in maanta uu guuleeyo, aad ayuuna waliba ugu cel celiyay ducada.

Dagaalkii ayaa billowday, waxaana la isla dhex maray Sayfaha, Katiibadii dhanka Midig ee ciidankii Muslimiinta ayaa iska dhigtay sida ciidan la jabiyay oo kale, waxaana uu ahaa qorshe horay loo wada gaaray, markii ay iska dhigtay iney jabtay oo kale ayaa waxaa soo daba raacay ciidankii Fardooleyda gaalada oo aad uga soo fogaadya ciidankoodii lugta ahaa ee ka dambeeyay.

Muslimiinta ayaa markaas ku guuleystay iney kala jaraan labada ciidan ee Gaalada, waxaana gumaad ba’an lagala duldhacay ciidankii Fardooleyda Gaalada ee soo daba raacay guutadii Mujaahidiinta ee dhanka midig ka dagaalamaysay.

Tirada la sheego in Muslimiintu dileen ayaa gaareysa 10 kun oo Askari, tiro intaas la eg ama ka badan oo Maxaabiis ahna gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxaana Maxaabiista ku jiray gaalkii madaxda ka ahaa Imaaradii Andhaakiya ee Nasaarada ahayd, kii ka talinayay Dharaabulis, waxaana Taariikhdu sheegtaa in nolosha lagu soo qabtay guud ahaan Madaxdii gaalada marka laga soo tago madixii Arman mooyee.

Maalintii ku xigtay waxay Ciidamadii Muslimiinta la wareegeen qalcadii weyneyd ee Xaarim kadib markii ay ka carareen ciidankii Faranjida, sidaas ayaana Allah waxa uu Nuuru-diin Maxamuud Zanki ku siiyay guul weyn oo Taariikhdu xustay, waxaana Macrakadan ay dhacday bishii Ramadaan sanadkii 559 Hijriyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular