HomeAll newsDhageyso:Kenya oo duqeymo is daba joog ah ka geysatay Dhamase.

Dhageyso:Kenya oo duqeymo is daba joog ah ka geysatay Dhamase.

micCiidamada Dowladda Kenya ayaa habeenadii tegay waxay madaafiic is daba joog ah ku garaacayeen deegaanka Dhamase oo ka tirsan gobalka Gedo kaabigana ku haya soohdin beenaadka labada dal ay wadaagaan.

Qof dumar ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhimatay mid kalena dhaawac soo gaaray ka gadaal markii madaafiicdu haleeleen.

Bulshadii deegaanka ayaa kala qaxay iyagoo sas ka qaaday duqeynta mudada socatay waxaana dhibaatooyin ku haystaan deegaano baadiye ah.

Nabadoon cabdulaahi ansaari oo indheer garadka gedo ka mid ah ayaa la soo xariiray Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxaanuu sheegayaa in Kenya muujisay cadawtooyada ay u qabto dadka soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Dhageyso Wareysiga Nabadoon Cabdullaahi Ansaari

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular