Barnaamijka Diiradda jimcaha oo todobaadkiiba maanta oo kale ka baxa war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, laguna soo qaato mawaadiic muhiim ah, ayaa waxaa maanta looga hadlay xaflado ay Xabshida Itoobiya ku qabsatay qaar kamid ah magaalooyinka dalka oo ay Garowe ugu horeyso.
Barnaamijka ayaa waxaa lagu gorfeeyay cadaawadda guud ee Itoobiya iyo waxa u sababta ah in xilligan ay munaasabado ku qabsato qeybo kamid ah wadanka, iyadoo Soomaalidii ka qeyb gashay loo dhiibay calanka Itoobiya.