Ra’iisul wasaarihii hore ee shiicada Nuuri Al-Maaliki ayaa isagoo ku sugan daafaha magaalada Falluuja islamarkaana niyada u dhisaya Maleeshiyaadkiisa Rawaafida ah waxa uu shaaca ka qaday in Shacabka Falluuja ay yihiin madaxa maskiisa, loona baahan yahay in iyaga xooga la saaro.
Hadalkan ayuu jeediyaya mar uu daafaha Falluuja kulan kula qaatay hogaamiayah Iiraaniga ah ee Qaasim Sulaymaani oo hogaaminaya Macrakada Rawaafida iyo Reer galbeedku ku doonayaan iney ku qabsadaan magaalada adkeysgia badan ee Falluuja.
Nuuri Al-Maaliki ayaa cara weyn u qaba shacabka reer Falluuja oo ahaa dadkii ugu horeeyey ee ka hor yimid maamulkiisa, islamarkaana banana baxyo waaweyn ka dhigay magaalada Falluuja taas oo horudhac u noqotay in Mujaahidiintu Sunniyiinta ah la wareegana gobollo kala duwan oo katirsan dlakaas.
Dhamaan Saraakiisha Rawaafida ayaa ka mideysan jeedinta hadalo goodis ah oo ku wajahan reer Falluuja islamarkaana ay ku doonayaan iney ku qal qal geliyaan Muslimiinta, waxaase hubaal in hadii ay u suurta gasho iney gudaha u galaan magaalada ay gaysan doonaan xasuuq Taariikhdu ka sheekeyso, maadaama ay qabaan Rawaafidu cara xoogan oo ku aadan Reer Falluuja oo Odaygooda iyo wiilkoodaba uu ku dagaalamaya hareeraha magaalada, si ay u difaacdaan magaaladooda.