Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo aalaaba lagu falanqeeyo mawaadiic muhiim ah ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay ol’olaha diyaar garowga ee doorashada Soomaaliland.
Maamulka Somaliland ayaa waxa uu ku dhaqmaa nidaamka dimuqraadiyadda, waxaana barnaamijka cinwaan looga dhigay, maxay Somaliland ka dhaxashay Dimuqraadiyadda? Ma horumar iyo dib u dhac?
Martida ka qeyb gashay waxaa kamid ah: Sheekh Suldaan Maxamad Aala Maxamad oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cabdul Ilaah iyo Sheekh Jaamac Aw-Aadan, waxa intaa dheer dad weynaha oo aragtidooda kasoo dhiibtay mowduuca.