Sadiiq Khan oo udhashay Dalka Pakistaan ayaa Loo doortay Duqa Magaalada London ee Cariga Ingariiska.
Waxa uu Kursiga ku fadhin doonaa afarta sanno soo socota sida uu dhigayo dastuurka Britain.
Warbaahinta Reer galbeedka ayaa aad ubuun buuniyay doorashada Sadiq Khan, waxaana ay ku tilmaameen inuu yahay Qofkii ugu horeeyay Muslim ah oo Noqday Duqa London.
Hadaba si aan wax badan kaga ogaano sheegashadaasi waxaan wacnay Cabdiraxiin Xaaji Cali oo ah Aqoonyahan Ku sugan Wadanka Ingariiska.
Cabdiraxiin ayaa faafaahiyay xaqiiqda dhabta ah ee Sadiiq ku xeeran iyo ujeedka loo doortay.