Ciidamada difaaca cirka ee Xarakada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa dhulka soo dhigya mid kamid ah duyuuradaha dagaalka ee ay isticmaalaan ciidamada shisheeye kalkaalka ah ee ku abtirsada Xukuumadda taagta daran ee Kaabul.
Afahayeenka Imaarada Sheekh Yuusuf Qaari Axmadi oo soo saaray qoraal kooban islamarkaana loo qaybiyay warbaahinta Caalamiga ah ayuu ku sheegay in Mujaahidiintu ku guuleysteen iney dhulka soo dhigaan diyuurad dagaal, islamarkaana ay la socdeen labo duuliye kuwaas oo markii ay diyuuradda soo dhacday kadib halkaas ku quur baxay.
Dhanka kale sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Cirka ee xukuumadda Kaabul, diideyna in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday uu nooceedu ahaa MD-530, islamarkaana ay soo badbaadiyeen labada duuliye ee diyaaradda la socday.
Diyaaradda ayaa lagu soo riday gobolka Qandahaar oo kamid ah gobollada sida adag uu kaga socodo halganka Jihaadiga ah ee looga soo horjeedo Shisheeyaha ku duulay dalkaas sanaddii 2001.
Man’s ha Allah
Ialhey ha guuleeyo amiin