HomeAll newsAlqaacidada Yaman oo Farriin adag u dirtay Taxaalufka Carbeed ee dagaalka kula...

Alqaacidada Yaman oo Farriin adag u dirtay Taxaalufka Carbeed ee dagaalka kula jira Mujaahidiinta.

sh2Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca faraca Al-qaacida ee dalka Yaman ayaa farriin lahjad kulul ah waxaa loogu diray cid waliba oo ka qayb qaadaneysa dagaalka dowladaha Mareykanka iyo kuwa Carabta ay ku iclaamiyeen Mujaahidiinta Yaman.

Bayaanka oo soo baxay xilli dambe oo maalintii shalay ahayd ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu soo qaaday Mujaahidiinta Yaman uu yimid kadib markii dhulka Xarameynka uu booqday madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mareykanka Brack Obama kaas oo ku qanciyay xulafadiisa Aala-Sucuud iney weeraro ku qaadaan magaalooyinka dhaca koonfurta Yaman ee lagu maamula Sharciga Allah.

Bayaanka waxaa loogu hanjabay Maleeshiyaadka noocyada kala duwan ee ka qayb qaadaneysa dagaalka lagula jiro Mujaahidiinta, waxaana loo sheegay in dagaalkan uu yahay mid Mareykanku wato ayna la gudboontahay iney ka joogsadaan haddii kalana ay wajihi doono Aargoosi xanuun badan oo uga yimaada dhanka Mujaahidiinta.

Mujaahidiinta ayaa sheegay in guryaha ay leeyihiin Saraakiisha iyo Ciidamada ka qayb qaadanaya Xamlada shareeca la dirirka ah ee lagu soo qaaday Koonfurta Yaman ay Mujaahidiintu beegsan doonaan, waxaana Caruurta iyo dumarka loogu baaqay iney ka fogaadaan kana baxaan guryahaas maadaama Hadaf Mashruuc ah uu yahay.

Dhanka Taxaalufka Carbeed ayaa loogu diray Fariin muuqata oo lahjad kulul ah taas oo ah in dagaalka ay bilaabeen uusan waligiisa dhamana doonin, islamarkaana Mujaahidiinta ay sii wadi doonaan.

Dhawaan ayaa Ol ole xoogan oo ay hor boodayaan Imaaraadka iyo Aala-Sucuud, islamarkaana ay kor kawadato dowladda Mareykanka uu sabab u noqday in magaalada Mukalla oo lagu maamulayay Shareecada Islaamka ay gasho gacanta Xukuumadda Haadi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular